Saturday, July 20, 2024
spot_imgspot_img

Gaadiid Loogu Talagalay Dadweeynaha oo Maanta Lagu Wareejiyay Maamulka Puntland

Isniin 24 June 2024 {HMC}  Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybgalay munaasabad ay Wasaaradda Caafimaadku kula wareegtay 6 Gawaari gargaarka caafimaad ah (Ambulances).

Gawaaridan ayaa loogu talagalay degmooyinka Gobolka Nugaal, kuwaasi oo ay Wasaraadda ku wareejisay Hay’adda Population Services International (PSI), waana qeyb ka mid ah mashruuca Damal Caafimaad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda PSI siday uga wada shaqeeyeen in gaadiidkan la helo, wuxuuna Wasaaradda kula dardaarmay in masuuliyad la iska saaro illaalinta bedqabka gaadiidkan ay maanta la wareegeen iyo guud ahaan hantida dowladda oo dhan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, masuuliyiinta Hay’adda PSI ee wareejisay gawaaridan, goleyaasha maamulka Puntland, Hantidhowraha Guud ee Puntland iyo masuuliyiin kale.

{DAAWO MUQAALKA} WARAYSI: Kooxda Da’yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad

Jimco 19, July 2024 {HMC} WARAYSI: Kooxda Da'yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.07.2024}

Jimco 19 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed...

WARARKA