spot_imgspot_imgspot_img

Netanyahu oo ku hanjbay soo afjaridda dagaalka Rafax

Isniin june,24 2024 (HMC) Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dagaalka Marinka Rafax ee koonfurta Qasa uu ku dhowyahay in la soo afjaro, laakin taa micnaheedu maahabuu yiri in dagaalka guud uu dhamaanayo.

Wuxuu sheegay in dagaalku sii soconayo ilaa inta meesha laga saaro Xamaas.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamada Israa’iil ay dhawaan awood u yeelan doonaan inay dib u soo celiyaan ciidamadooda xuduudka ay la wadaagaan Lubnaan, halkaasi oo ay ku sii kordhayso rasaasta ay is dhaafsanayaan Xisbullah iyo Israa’iil.

WARARKA