spot_imgspot_imgspot_img

Dibad baxyo Rabshado Wato oo ka Socda Dalka Kenya

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Magaalooyin badan oo katirsan dalka Kenya waxaa maanta oo Talaado ah ka socda dibad baxyo waa weyn, oo looga soo horjeedo hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Dad badan ayaa isugu soo baxay magaalooyin waa weyn oo kuyaalla dalka Kenya ay ku jirto magaalada Caasimadda ee Nairobi, dadka ayaana diidan hindse-sharciyeedka dowladda dooneyso in ay ku kordhiso canshuurta.

Dadka dibad-baxyada dhigaya ayaa wata boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta, xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah iyo sicir barar.

Ciidamo badan oo isugu jira booliiska dibad-baxyada kahor taga iyo kuwa si gaar ah u tababaran ayaa la dhigay waddooyin badan oo kuyaalla goobaha ay dibad-baxyada ka socdaan, waxa ayna ciidamada kahor tagyaana in ay sii fidaan dibad-baxyada.

Maalmo kahor sidaan oo kale waxaa magaalooyin Nairobi ku jirto uga dhacay dibad-baxyo rabshado watay, kuwaa oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah dadkii dibad-baxyada dhigayay.

WARARKA