spot_imgspot_imgspot_img

Gacankudhiigle Baxsad ahaa oo Maanta Lagasoo Dejiyay Magaalada Muqdisho

Talaado June, 25, 2024 {HMC}  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta laga soo dejiyay nin gacankudhiigle baxsad ahaa, kaa oo si dhuumaaleysi ah uga gudbay xadka Soomaaliya kuna galay dalka Kenya .

Ninkan gacankudhiiglaha oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan in gobolka Nugaal ee Puntland uu ku dilay marxuum Maxamed Axmed Faarax, taariikhdu marak ay aheyd 17-05-2023 .

War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xogta ninkan dilka geestay una baxsaday dalka Kenya la wadaageen booliiska caalamiga ah ee Interpol, waxa ayna sheegeen in ninkan magac been abuur ah isticmaalayay si aan loo aqoonsan.

”Hoggaanka xiriirka dibada ee booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada kala duwan ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku nool yahay Kenya uu isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan, 21-06-2024 wuxuu tagay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukumintiga u Safar dalkaaga (Go Home ), Wuxuuna ku jartey magac been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska.
Booliiska Interpol ayaana kusoo wareejiyay ninkan gacankudhiiglaha ah ee Soomaaliya ka baxsaday, waxaana la filayaa in booliiska Soomaaliya kusii wareejiyaan Maxkamadda gobolka Nugaal ee Puntland oo horey u codsatay in ninkaasi loo soo qabto.

WARARKA