spot_imgspot_imgspot_img

Qoorqoor oo shir dib u heshiisiin ah isugu keenay beelihii dhowaan dagaalamay

Talaado June, 25, 2024 {HMC} – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq, kuwaasoo dhawaan maleeshiyaad kala taabacsan ay diriri dhexmartay.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey salaaddiinta iyo nabaddoonnada inay guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa guddi culimo ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan cidna aysan u eexan, isla markaana ay dowladdu ku garab taagan tahay.

Labada Mareexaan iyo Dir ayaa dhowaan maleeshiyaad kala taabacsan waxay ku dagaalameen degaano u dhexeeya degmooyinka Caabudwaq iyo Xeraale, kaasoo salka ku hayey dilal aano qabiil, waxaana dagaalkaas ku naf waayey dad ka badan 50 qof halka ku dhowaad 100 kale ay ku dhaawacmeen.

WARARKA