spot_imgspot_imgspot_img

Shirka EAC ee Ka socda Muqdisho oo Maalintii Labaad Galay

Talaado June, 25, 2024 {HMC}  – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha urur-goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, kaasi oo ay maanta ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaannada labada aqal ee BF.

Kulanka maanta ayaa waxaa lagu lafa-guraaya dood cilmiyeedyo ku saabsan in Soomaaliya ay diyaarsato sharciga ay qeybta kaga noqoneyso xubin fircoon oo shaqeysa urur-gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha ee bariga Afrika.

Sidoo kale, khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb-galaysa ayaa dowladda Soomaaliya ka caawinaya saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, gaar ahaan dhinacyada hawada.

“Waxa uu maanta u daaran yahay in ay Soomaaliya ka shaqeyso sidii wada-shaqeyn dhow ula yeelan lahayd dalalka ku bahoobay urur goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo dowladda kasoo saartay shirweynahan maalintii labaad galay.

Urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa xilligaan abuuraya iskaashi weyn oo laga yeesho wax ka qabashada isbeddelka cimilada, oo si weyn u saameeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Shirkan oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa gaba-gabada la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno waxtar u leh Soomaaliya iyo sida ay uga faa’iideysan karto fursaddan muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa dhowaan noqotay xubintii 8-aad ee ku biirta urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee EAC.

Si kastaba, Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka, waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin.

WARARKA