Saturday, July 20, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Garoonka Diyaaradaha oo Qaabilay Masuuliyiin Ka Socday hay’adda TSA

Talaado 09 julay 2024 {HMC} Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa maanta qaabilay masuuliyiin ka socota hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabilsan Amniga Garoomada.

Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan {Aadan Cadde} ayaa waxaa ka qeyb galay hay’adaha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka socotay hey’adda Mareykanka u qaabilsan amniga garoomada TSA, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Kulanka masuuliyiinta Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, Hay’adaha Amniga Garoonka iyo Hay’adda Duulista Rayidka oo dhinac ah iyo Hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

{DAAWO MUQAALKA} WARAYSI: Kooxda Da’yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad

Jimco 19, July 2024 {HMC} WARAYSI: Kooxda Da'yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.07.2024}

Jimco 19 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed...

WARARKA