spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Danab oo Howlgal Qorsheeysan Fuliyay.

Howlgal ay ka fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab  oo kadhacay  deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubbada Hoose ayna ku dileen xubno  iyo saraakiil ka tirsanaa AS b sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale waxaa looga soo furtay AS hub iyo saanad ciidan, iyadoo lagu burburiyey goobihii ay ku sugnaayeen, saraakiisha ayaa soo bandhigay sawirrada meydadka xubnihii lagu dilay weerarka.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland waxay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Kaamjaroon oo dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay nolosha ku qabteen xubno kale oo ka tirsan kooxda AS

“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka AS waxaana kooxda la khaarijiyay ku jira horjoogayaal sar sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha horkacayey howlgalka.

 

WARARKA