Saturday, July 20, 2024
spot_imgspot_img

Dad badan oo shacab ah oo lagu laayay Shabelada Dhaxe kadib markii ay…..

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in khasaare badan uu kasoo gaaray dad shacab ah dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Bariire, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo AS, kadib markii madaafiic lagu gaaracay halkaasi.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ka tirsan tuulada Balow oo hoostagta Bariire waxaana ku dhammaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsn.

Ku dhowaad 15 qof oo rayid ah, una badan dad beeraley ah ayay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaasha ku dhacay halkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la keenay Muqdisho.

Laba kamid ah dhaawacyada lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa isbitaalka ku geeriyooday, halka kuwa kale haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad isku qoys ah, sida carruur iyo waalidkood.

Aabe Ibraahim Siidow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 4 kamid ah carruurtiisa ay ku dhinteen hoobiyeyaasha, halka wiil kale, hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa ay dhaawac yihiin.

“Carruuteyda 5 ayay ahaayeen 4 waa iga dhimatay midna waa dhaawac, sidoo kale hooyo, aabe iyo xaaskeyga waa dhaawac halis ah” ayuu yiri Aabe Ibraahim Siidow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u fidiso, maadaama uu yahay nin beeraley ah oo aan waxba haysan.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa amarkan waa dhacay nin beeraley ayaan iska ahay oo masaakiin ah waxba aan haysan oo xoogsade ah waxaan ka codsanayaa taakuleyn deg-deg ah in la’isoo gaarsiiyo” ayuu sii raaciyay.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo laa laabtay Bariire, waxaana horay sidaan oo kale loogu laayay dad shacab ah, kadib duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi.

{DAAWO MUQAALKA} WARAYSI: Kooxda Da’yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad

Jimco 19, July 2024 {HMC} WARAYSI: Kooxda Da'yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.07.2024}

Jimco 19 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed...

WARARKA