Saturday, July 20, 2024
spot_imgspot_img

PUNTLAND: Masuliyiin lagu eedeeyay in ay la baxsaden gaaridii maamulka.

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Masuuliyiin kala duwan oo katirsanaa hay’adaha kala duwan ee maamulka Puntland lagana qaaday xilalkii ay horey u hayeen ayaa lagu soo waramayaa in wali heestaan qaarkoodana la baxsadeen gaadiid maamulka lahaa, kuwaa oo la doonayay in ay wareejiyaan marka ay shaqada ka tagayeen.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowrka maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay in ay jiraan gaadiid badan oo ka maqan gacanta maamulka Pumtland, kuwaa oo la sheegay in qaarkood la dhacay, halka kuwa kalana wali si sharcidarro ah ku heestaan masuuliyiin hore.

Hantidhowrka Puntland ayaana ku amray dadka wali heesta gaadiidka maamulka in si deg deg ah usoo wareejiyaan baaburtaasi inta ka horreysa 16-ka bishan, waxaana ciddii aan ammarka qaadan liiskooda la sheegay in loo gudbin doono laamaha garsoorka iyo amniga si loo soo qabto.

{DAAWO MUQAALKA} WARAYSI: Kooxda Da’yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad

Jimco 19, July 2024 {HMC} WARAYSI: Kooxda Da'yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.07.2024}

Jimco 19 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed...

WARARKA