spot_imgspot_imgspot_img

shir-weynaha sannadlaha ah ee Isbaheysiga NATO oo ka furmay Washington.

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Shalay waxaa magaalada Washington D.C ka furmay shir-weynaha sannadlaha ah ee hogaamiyaha dalalka ku bahoobay Isbaheysiga NATO. Iyadoo shirka sannadkaan lagu maamusayo 75-sano guurada kasoo wareegtay aas-aaska NATO.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Talaadadi shirka ka sheegay, in dunida aysan sugin ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November, si ay u qaaddo tallaabo ay uga hortagto duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Zelenskyy, ayaa taasi ka sheegay, furitaanka shir madaxeedka hogaamiyaasha Gaashaan-buurta NATO ee shalay gelinki danbe ka furmay magaaladan Washington D.C, ee caasimadda Mareykanka.

Madaxweynaha Ukraine, ayaa khudbaddiisa sidoo kale ku yiri “waa inaan kasoo baxnaa harka si aan go’aanno adag aan u qaadanno isla markaana aanan sugin bisha November ama bilo kale.

Wuxuu ku boorriyay madaxweynaha Mareykanka inuusan ka gorgortamin difaaca dimoqraadiyadda iyo difaaca madaxweyne Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadi shalay isna khudbad ka jeediyay furitaanka shir madaxeedka NATO, uu ku ballan qaaday, inuu si xoog leh uu Ukraine uga difaaci doono duullaanka Russhka.

Khudbadda Biden oo u muuqatay mid kulul ayaa aheyd tii ugu horreysay ee uu masraxa caalamiga ah ka jeediyo, tan iyo wixi ka danbeeyay dooddii uu la galay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taas oo qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Dimoqraadiga ay ku dhalileen bandhiggiisii qaboobaa.

Taageerayaasha Dimoqraadiga ayaa shaki geliyay awoodda jireen iyo midda maskaxeed ee muddo xileedkiisa labaad haddiiba uu ku guuleysto doorashada.

Biden oo hadda ah 81 jir, ayaa ku adkeystay inuu diyaar u yahay hoggaaminta shacabka Mareykanka, mar kale.

Shir madaxeedka NATO ee furmay Talaadadi shalay ayaa lasoo gaba gabeyn doonaa 11-ka bishan July oo ku beegan Khamiista berrito ah.

WARARKA