RM Xamse oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

0
31

Khaniis 29-May-2025 {HMC} – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaas oo ay wadaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanku.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalka iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

“Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.” Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here