Wednesday, May 22, 2024
spot_imgspot_img

Garamadii uu Messi ku ciyaaray koobka Adduunka oo lagu iibinayo lacag Dhan £8 milyan

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Dharkii uu xidhnaa xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi intii uu socday Koobkii Adduunka ee Qatar ayaa la shaaciyey, waxaana laga bixinayaa lacag badan oo rikoodh jabis ah oo aan wali adduunyada lagu arag.

Garankii uu Messi ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyey, ayaa waxa kalidii lagu iibinayaa £8 milyan oo Gini, iyadoo kuwii kale ee uu ku ciyaaray kulamadii kale ee Koobka Adduunka sidoo kale ay lacago badan ku yaallaan suuqa ee xaraashka.
Ciyaartoyda xulka qaranka Argentina ayaa labadii qaybood ee ciyaartii finalka waxa ay ku dheeleen garamo kala duwan, iyagoo waqtigii nasashada bixiyey kuwii hore, kuwaas oo mid walba uu suuqyada ka taagan yahay min £8 milyan oo Gini.

Waxa kale oo suuqyada laSoo dhigay garamadii uu Lionel Messi ku ciyaaray kulankii Croatia ee semi-finalka Koobka Adduunka, kuwii Netherlands, wareeggii 16ka oo ay Netherlands la ciyaareen iyo saddex ka mid ah kulamadii wareegga group-yada.

Marka la isku-celceliyo, Lionel Messi ayaa waxa garamadii uu ku ciyaaray Koobka Adduunka lagu iibsanayaa £8 milyan oo Gini, waxana uu jabinyaa rikoodhkii iibka ee Michael Jordan ee kulamadii finalada ee 1998, kuwaas oo qiyaas ahaan lagu iibsaday £8.1 milyan oo Gini bishii September.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 21-05-2024

Talaado, 21 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024

Talaado-21-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/lRA32gstXQc

WARARKA