Tuesday, May 14, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xiddigaha kubadda cagta

Talaado  27 Feb, 2024 {HMC} Real Madrid ayaa heshiis la gaartay xiddiga Bayern Munich iyo difaaca Qaranka Canada Alphonso Davies, oo 23 jir ah. Waxaa la filayaa in uu heshiiska la dhameystiro bilowga xagaaga soo socda, markaas oo uu si bilaash ah ugu biiri karo kooxda uu doono.

Mustaqbalka macalinka Chelsea ayay ciiryaamo harreysay kadib markii Liverpool kaga guuleystay koobka Carabao. Macalinka Kooxda Sporting Lisbon Ruben Amorim ayaa la flayaa in uu shaqada kala wareego.

Kooxda Manchester United ayaa lagu wadaa inay iska fasaxdo tiro ciyaaryahanno ah xilli ciyaareedkan. Waxaa ugu horreeya xiddiga la fasaxayo Antony oo 24 jir ah kaas oo Old Traford garabka uga ciyaara. Xiddigan u dhashay Brasil iyo tiro kale oo ciyaaryahanno ah ayay iska iibin doontaa.

Chelsea waxay dedaal ugu jirtaa inay hesho cid ka iibsata Trevoh Chalobah oo 24 jir ah iyo weeraryahanka Albania Armando Broja. Sidoo kale wuxuu shaki ku jiraa mustaqbalka Xiddiga Khadka dhexe ee Ingiriiska Conor Gallagher iyo difaaca Spain Marc Cucurella oo 25 jir ah.

Bayern Munich, Liverpool iyo Arsenal waxay loolan ugu jiraan saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee Fulham iyo Portugal Joao Palhinha. Xiddigan 28 jirka ah ayaa laga yaabaa in uu xagaagan ka tago Fulham.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13-05-2024}

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan...

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Isniin-13-May-2024 {HMC} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/evUidHVjVy8

WARARKA