Maxkamada ciidanka Jubaland oo dil toogasho ah ku xukuntay labo askari oo ka tirsan Ciidamada maamulkaas.

0
168

Jimco-08-March,-2024-{HMC} Maxkamadda darajada labaad ee Ciidamada qalabka sida ee dowladda Jubbaland ayaa go’aan ka soo saartay, kiis ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Jubbaland.

Kiiskan ayaa ku saabsan askar ka tirsan ciidanka Jubbaland oo loo heysto falal dil iyo dhac ah oo ay kula kaceen muwadain Soomaaliyeed kaasoo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Maxkamada darajada koowaad ayaa horey labada askari ee la soo eedeeyey ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii uu ku cadaaday fal dambiyeedkii lagu soo eedeeyey.

Eedeysanayaaha ayaa xukunkaas ka qaatay rafcaan, hase ahaatee maxkamada darajada 2aad oo mar kale dacwadaas dhegeysatay ayaa ayiday xukunkii ay horey u gaartay maxkamada darajada koowaad ee dilka labada askari.

Hoos ka akhriso qoraalka maxkamada

w1w2w4w3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here