Farmaajo oo ku baaqay in odayaasha dhaqanka door muuqda ka qaataan xalada dalka.

0
9

Axad 26 april 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku baaqay in la xoojiyo midnimada iyo wadahadalka siyaasadeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku leeyihiin xal u helidda ismari-waaga ka jira dalka.

Farmaajo ayaa sheegay inuu codkiisa ku biirinayo baaq hore oo ay soo jeediyeen madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay ka hadlayeen munaasabad caleema-saar ah oo ka dhacday dalka.

Munaasabaddaas ayaa muujisay, sida uu sheegay, baahida weyn ee Soomaalidu u qabto wadajir iyo is-afgarad siyaasadeed.

“Baaqa Madaxweynayaasha waxaa uu salka ku hayey kaalinta ay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku kulmay caasimadda dalka ay ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira, Haddaba waxaan sidoo kale halkan baaq uga gudbinayaa duubabka Soomaaliyeed inay u istaagaan gudashada waajibkooda, ayna kaalin mug leh ka qaataan sidii loo gaari-lahaa xal siyaasadeed oo looga badbaado dib u laabasho siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye.” ayuu ku yiri war uu soo saaray Farmaajo.

Wuxuu tilmaamay in baaqaasi uu si gaar ah u iftiiminayay kaalinta ay qaadan karaan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan ku kulmay caasimadda Muqdisho, si ay gacan uga geystaan xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee cakiran.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay u istaagaan doorkooda taariikhiga ah, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo waara, kaas oo dalka ka badbaadin kara dib u dhac iyo colaado sokeeye.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa farriin u diray dhammaan hoggaanka siyaasadda dalka kuwa muxaafidka ah iyo mucaaradka iyadoo uu ugu baaqay inay siiyaan odayaasha dhaqanka fursad dhab ah oo ay kaga qayb qaataan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wuxuu xusay in odayaashu ay ahaayeen laf-dhabartii lagu dhisay nidaamkii siyaasadeed ee jamhuuriyadda saddexaad, taasoo muujinaysa muhiimadda ay weli u leeyihiin xasilloonida iyo mustaqbalka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here