Axad 26 april 2026 {HMC} Weerar ku billaawday qaraxyo ayaa lagu dilay Wasiirkii Difaaca dalka Maali, Janaraal Sadio Camara oo ah mid kamid ah Siyaasiyiinta u dub dhexaadka ahaa dowladda Wadankaasi.
Dowladda Maali ayaa u muuqata in ay xakameyn la’adahay weeraro ba’an oo kooxo xiriir la leh Al-qaacida ay ku hayaan magaalooyin waa wayn ee dalka Maali.
Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay guriga Wasiirka Difaaca dalka Maali oo ku yaalla magaalada Kati, oo 15km u jirta caasimadda Bamako.
Warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ee dalka Maali ayaa xaqiijinaya Geerida Wasiirka Difaaca ee dalkaasi.
Fallaagada Tuaregga ee xiriirka la leh Al-Qaacida culeys saartay dowladda Militeriga ee xukunka Afgambiga kula wareegtay sannadkii 2021.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dalkaasi waxaa ay sheegayaan rasaas xooggan laga maqlayo inta badan magaalooyinka waa wayn ee wadankaasi, isla markaasna dowladda ku dadaaleyso sidii xaaladda loo dajin lahaa.



