Tuesday, May 14, 2024
spot_imgspot_img

Xidigii hore ee kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan oo lagu riday xukun adag oo xabsi ah

Sabti-23- March-2024 {HMC} Ciyaaryahankii hore ee xulka kubadda cagta dalka Brazil una soo ciyaaray kooxo waa weyn Robinho, ayaa lagu riday xukun adag oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay in uu geestay dambi kufsi ah.

Xiddigan hore oo hadda 40-sanno jir ah ayaa lagu helay in 10-sanno kahor xilli uu u ciyaarayay kooxda kubadda cagta ee AC Milan ee ka dhisan Talyaaniga uu kufsi u geestay gabar dalkaasi.

Robinho ayaa gabi ahaan beeniyay in uu galay dambiga kufsiga ee lagu soo eedeeyay, waxa uuna kiiskaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo la doonayo in sumcadiisa meel looga dhaco.

Maxkamadda Sare ee dalka Brazil ayaa Arbacadi ayyiday xukun ay horay maxkamad ku taallo Talyaaniga ugu ridday laacibkaan, waxaana xukunka kaddib Robinho laga soo xiray guri uu ka deganaa magaalada Santos.

Xiddigan usoo ciyaaray kooxaha kubadda cagta ee Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan ayaa la filayaa in xabsiga ku qaato xukunka 10-ka sanno ah ee lagu riday, waxaa horey isna xabsi loogu xukumay ciyaaryahankii hore ee Brazil Dani Alves.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.05.2024}

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} DFS oo Shaacisay Sababta ay u Xireyso Xafiiska Qaramada Midoobay

Talaado-14-May-2024 {HMC} DFS oo Shaacisay Sababta ay u Xireyso Xafiiska Qaramada Midoobay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/au0m5L_HOQ0

WARARKA