Golayaasha wakiilada iyo deeganka Soomaaliland oo Muddo xileedkoodii loo kordhiyey.

0
3

Talaado 28 april 2026 {HMC} Hargeisa, Golaha Guurtidada jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanideyda ugu dhawaaqday ee Soomaaliland ayaa muddo xileedka labada gole ee Golayaasha wakiilada iyo deegaanka u kordhiyey, sida ay tebisay warbaahinta dowladda, labadaan gole ayaa loogu daray muddo gaareysa 27 bilood oo ka bilaabaneysa maanta.

Muddo xileedka wax beddelka lagu sameeyey ayaa ku ekaa Luulyo 2026 ee nagu soo aadan, kadibna waxa ay ahayd in doorasho la aado, hadda waxa uu dhammaan doonaa Luulyo 2028-ka illaa iyo hadda cadda sababta keentay in la kordhiyo, marka laga yimaado duruufo dhaqaale oo Soomaaliland ka jira sida uu sheegay xoghayaha golaha guurtida Cabdinasir “duruufaha keenay dib u dhaca doorashooyinka ay yihiin colaado ka jira gobollada dalka qaar iyo abaaro, roobki gu’gaga oo dalka wada gaarin iyo duruufo dhaqaale oo sababtay colaadda Bariga dhexe”, ayuu yiri.

Dhanka kale, goor horaba waxaa ka falceliyey ururada bulshada rayid ee Somaaliland.

baahinteenna ayaa kala socon kartaan qodobkaan oo faahfaahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here