spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS MW Xasan Sheekh oo garawshiyo ka bixiyay wixii ku dhacay dadka Gobolada...

MW Xasan Sheekh oo garawshiyo ka bixiyay wixii ku dhacay dadka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

0
38

Khamiis 26 june 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Somaliland in dib loo bilaabo wadahalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo horseedi kara dib u mideynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in mustaqbalka la gaari doono heshiis waara oo lagu dhammeeyo kala aragti duwanaanta u dhaxeysa labada dhinac.

Wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay noqdaan hoggaan geesi ah oo u istaaga sidii xal waara loo gaari lahaa, laguna dhisi lahaa kalsooni iyo is-afgarad.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax walba oo suurto gal ka dhigi kara dib u soo celinta midnimada dalka. Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna Somaliland inay dhiirranaan muujiyaan, si wadahallada loo bilaabo mar kale,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si gaar ah u tilmaamay in midnimadu aysan waxba dhimayn, balse ay keenayso awood, karaamo, iyo horumar wadajir ah. Isagoo xusaya muhiimada ay leedahay wada hadal iyo ismaqal, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay dhageysato tabashooyinka gobollada Waqooyi.

“Walaalaha Waqooyi waxaan leeyahay: dhiirrada. Midnimadu wax ma bi’iso ee waxa ay soo kordhisaa awood iyo haybad,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee kasoo wareegtay xornimadii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here