Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Gabar Somali-Finish oo kamid ahayd dooni Gargaar u siday shacabka Magaalada Gaza oo ciidanka Israaiil gacanta ku dhigeen.
Shifa Cabdi oo ka mid ahayd kooxda Global Sumud Flotilla ee dalka Finland ayaa ciidamada Israa’iil ka qabteen biyaha caalamiga ah iyada iyo 5 qof oo kale oo u dhashay dalka Finland, kuwaasi oo saarnaa Dooni gargaar daawooyin iyo cunto ah u siday shacabka reer Gaza.






