Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Hoggaamiyaha Jarmalka , Friedrich Merz ayaa lagu warramayaa inuu dhawaaday inuu gacan qaado ra’iisul wasaaraha Hungari, Viktor Orban , kuwaasoo dood adag ay ku dhexmartay kulanka hoggaamiyeyaasha Yurub , uga socda maanta magaalada Copenhagen oo looga hadlayo arrimaha difaaca oo ay ku jirto Ukraine.
Viktor Orban, ayaa maanta u dhaqmay sida qof matalaya Ruushka, wuxuuna codka qayaxan ku diiday cunaqabateynta Yurub ee la saarayo Ruushka , halka uu si cad uga soo horjeestay hinside kasta oo suragal ka dhigaya Ukraine inay ku biirto Midowga Yurub, tallaabadan waxay ka caraysiisay hoggaamiyeyaasha kale ee Yurub, illaa hoggaamiyaha Jarmalka u istaagay si ay gacantiisa u gaarto Orban, sida ay werisay Bloomberg.






