spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo La kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Waqooyo-Bari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo La kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Waqooyo-Bari.

0
29

Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Amran Axmed Xasan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay qaabilaadiisa ayaa uga warbixiyay doorashadii ka dhacday maamulkaasi, xaaladda deegaanadda maamulka Waqooyi-Bari, taageeradda ay u baahanyihiin Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ee isugu jirta tababarada iyo aqoon kororsiga Xildhibaanadda iyo sidoo kale howlwadeenadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay dadaaladii laga soo maray dhisida maamulka Waqooyi-Bari ayaa sheegay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo dhoweynayo sidoo kalena uu dhiiragelinayo Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay sidii loo taageeri lahaa golaha wakiilada ee maamulkaasi si ay u gutaan howlaha horyaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here