spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle oo AS Laga Saaray.

{DAAWO SAWIRADA} Tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle oo AS Laga Saaray.

0
27

Jimco 3 Oct , 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda ayaa maanta Kooxda Khawaarijta ka xoreeyey tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle kuwaas oo kala ah Shaamgare iyo Raqayle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal kooban oo ka dhacay tuuloyinkaan ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxana howlgalkaan uu soo bilowday saakay aroor hore, iyadoo Ciidanka Qaranka iyo kuwa AUSSOM si xirfad leh u wajaheen goobihii ay Khawaarijtu isku dayeen inay ku dhuuntaan.

Intii uu hawlgalka socday, maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa laga saaray godadkii ay ku dhuumanayeen, iyadoona qasaare culus lagu gaarsiiyay halka qaar kalena ay baxsadeen, waxana howlgalkaan uu qeyb ka yahay Duufaanta Aamusan wejigiisa saddexaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here