DFS oo markii ugu horeysay ka hadashay duqeyntii laga dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali.

0
39

Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay duqeyntii cirka ee 13-kii Sebteembar ka dhacday gobolka Sanaag, taas oo lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali.

Wasiirka gaashaandhigga, oo maanta hortagay Aqalka Sare, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay warbixinta dhacdada ka heshay dadka deegaanka kadib markii sawirrada gaariga caaqilka la duqeeyay lagu faafiyay baraha bulshada.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay baaritaan ku sameyneyso arrintaas kadib markii Senataro ka tirsan Aqalka Sare ay codsadeen in la caddeeyo cidda mas’uul ka ahayd weerarka iyo sababta loo beegsaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ‘maamulka deegaanka ee meesha duqeyntu ka dhacday uu yahay kan masuulka ka ah xogaha sirdoon ee lala wadaago saaxiibada caalamiga ah, taasoo soo jeedinaysa in xogta lagu beegsaday caaqilka laga yaabo in laga helay maamulka Puntland.

Taliska AFRICOM, oo hore u xaqiijiyay in uu fuliyay duqeynta balse aan magac sheegin, ayaa hore u sheegay in ay beegsadeen “qof ka ganacsada hubka Al-Shabaab.” BBC-da ayaa mar kale la xiriirtay taliska Maraykanka si ay u weydiiso haddii ay wadaan baaritaan dheeraad ah ama ay xog cusub la wadaageen dowladda Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa muran badan dhalisay, iyadoo dadka deegaanka Ceelbuh ay sheegeen in la dilay nabadoon caan ahaa oo bulshada dhexdooda laga ixtiraami jiray, halka saraakiil dowladda ka tirsan ay ku tilmaameen nin xiriir la lahaa kooxaha hubeysan.

BBC-da ayaa sii wadaysa raadinta wixii faahfaahin ah oo cusub oo kasoo kororta weerarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here