Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Malaysia , Anwar Ibrahim ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya , halkaa oo booqasho rasmi ah uu ku joogo , wuxuuna wada-hadallo iskaashiga lagu xoojinayo la yeeshay madaxweynaha Kenya. Wuxuu Anwar sidoo kale dabayaaqadii toddobaadkii hore booqday Itoobiya.
Dhinaca kale , waxaa isagana booqasho rasmi ah ku gaaray Addis Ababa ; Ra’iisul wasaaraha dalka Singapore,Lawrence Wong.
Mustaqbalka dunidda ayaa loo arka inuu jiro dhinaca koonfurta iyo koonfur-bari Aasiya , halkaa oo dalalka ku yaalla ay sameynayaan wax soosaar iyo horumar dhinaca warshadaha iyo tiknoolajiyada, taasoo muhiimad siinaysa dalalka kale ee dunidda inay sare u qaadaan iskaashiga ay la leeyihiin.
Isbeddelada dhacaya waxaa ka maqan Soomaaliya oo ku xanniban inay wax ka sugto reer galbeedka iyo Carabta , taa oo ay dheertahay dalka oo ku yaal goob istaraatiji ah in wali looga arkayo mid aan muhiimad lahayn, sabab la xiriirta xasillooni darrada amniga iyo siyaasadda ee muddada dheer uu dhexda uga jiro.



