spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Salah oo sheegay in Kooxda Liverpool ay cidlo uga tagtay”

Salah oo sheegay in Kooxda Liverpool ay cidlo uga tagtay”

0
31

Axad 06, Dec 2025 {HMC} Mohamed Salah ayaa sheegay inuu dareemayo sida in Liverpool ay “ku tuurtay baska hoostiisa” xiriirkii uu la lahaa tababaraha kooxda Arne Slotna uu burburay.

Salah wuxuu ahaa keyd aan la isticmaalin kulankii Sabtidii ee barbaraha 3-3 ay la galeen Leeds United – waana ciyaartii saddexaad oo xiriir ah oo weeraryahanka Masar uu ku bilaabay kursiga keydka.

Ciyaaryahanka dhaliyay 250 gool 420 kulan oo uu u saftay Liverpool ayaa wareysi aan caadi ahayn oo uu siiyay saxafiyiinta ku yiri: “Waxaan u maleynayaa inay aad u caddahay in qof uu doonayay inaan qaato masuuliyadda eedda oo dhan.”

“Waxaan dhowr jeer oo hore sheegay inaan xiriir wanaagsan la la leeyahay maamulaha, arina lama filaan ah hadda xiriir nagama dhaxeeyo.”

“Ma garanayo sababta laakiin waxay ila tahay, sida aan u arko, in qof uusanrabin in kooxda si joogo.

“Waxay u egtahay in kooxdu ay baska hoostiisa igu tuurtay. Taasi waa sida aan dareemayo. Waxaan u maleynayaa inay aad u caddahay in qof uu rabay inaan dhammaan anigu eedda qaato.

“Kooxdan, mar walba waan taageeri doonaa. Carruurtaydu had iyo jeer way taageeri doonaan. Aad baan u jeclahay kooxda, mar walbana waan taageeri doonaa.”

“Xaaladdan ma ah mid aan aqbali karo, dhab ahaantii. Ma fahmin. Waxay la mid tahay in baska hoostiisa laygu tuurayo oo la I gacan bidixeeynayo. Uma maleynayo in dhibaatadu ay aniga tahay. Wax badan ayaan u qabtay kooxdan.”

Salah, oo u socda Koobka Qaramada Afrika 15-ka Diseembar, ayaa intaa ku daray in aanu hubin mustaqbalkiisa Liverpool, inkastoo uu saxiixay qandaraas cusub oo laba sano ah bishii Abriil.

Salah, oo 33 jir ah, ayaa dhaliyay 29 gool horyaalka Premier League 2024-25 iyadoo Reds ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Slot uu hogaamiyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu halgamayey qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii Liverpool ay awoodi waysay inay la mid noqoto si la mid ah heerkii ugu sarreeyay ee xilli ciyaareedkii hore.

Salah, oo uu Jurgen Klopp kooxda keenay isagoo ka keenay kooxda Roma sannadkii 2017, ayaa dhaliyay gool afar jeer oo keliya 13 kulan oo uu saftay horyaalka heerka sare ee xilli ciyaareedkan.

Horyaalka Saudi Pro muddo dheer ayuu Salah ku haminayey iyadoo lagu doodi karo inuu yahay ciyaaryahanka ugu caansan ee ka yimid Bariga Dhexe ee dunida jooga – kuna jira liiska xiddigaha adduunka oo ay ku jiraan Cristiano Ronaldo iyo Sadio Mane.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Al-Hilal, oo ay maamusho Simone Inzaghi, ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya Salah.

BBC Sport ayaa loo sheegay in Liverpool aysan dabreyn mustaqbalka Salah iyadoo ay jirto xiisaha Sacuudiga.

Ka dib ciyaartii Leeds – markii Liverpool ay hogaanka ku qabatay 2-0 ka dibna 3-2 ka hor inta aysan Leeds dhalin goolka barbardhaca daqiiqadii 96aad – Slot ayaa u sheegay Sky Sports sababta uu Salah u fariisiyay kursiga keydka.

“Waxay ahayd wax badan oo ku saabsan xakamaynta ciyaarta [3-2] mana aanan u baahnayn gool,” ayuu yiri Slot ka hor wareysiga Salah. “Caadiyan marka aad u baahanatahy gool, sida usbuucii hore ee Sunderland, waxaan keenay Mo.”

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeyay ciyaarta Jimcihii, Slot wuxuu sheegay inuu fahmay hadalka ku saabsan Salah ka dib markii laga reebay kooxda.

Waxa uu intaas ku daray ” wuu u qalmaa taas, wuxuu saameyn weyn ku lahaa aniga iyo [muddo] lix ama toddobo sano ah kooxda . Waa wax caadi ah in dadku ka hadlaan marka uusan ciyaareynin,” ayuu raaciyay Slot.

Salah, oo kaalinta saddexaad kaga jira liiska gooldhaliyaasha ee abid ugu sarreeya Liverpool, ayaa ka dambeeya Ian Rush (346) iyo Roger Hunt (285), kaasoo kulankiisii ugu dambeeyay 4-1 ee ay PSV Eindhoven kaga badisay gurigooda Champions League 26kii Nofembar.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here