Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.
Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.
Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.
Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa.
Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.
Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977
Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.



