Netanyahu oo amar siiyay ciidamadiisa, iyo Warar dheeraad ah oo soo baxaayay.

0
9

Sabti 25 april 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amar ku siiyay Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) in ay “si xooggan u weeraraan bartilmaameedyada Hezbollah ee ku yaalla Lubnaan,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa.

Maanta, IDF ayaa soo saartay dhowr bayaan oo ay ku baahiyeen Telegram, iyagoo ku eedeeyay Hezbollah inay jebisay xabbad-joojin ay hore ugu heshiiyeen Israa’iil iyo Lubnaan.

Labada dhinac, Israa’iil iyo Hezbollah, ayaa si isdaba joog ah midba midka kale ugu eedeeyay inuu jebiyay xabbad-joojinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here