Maraykanka oo Dajiyay Israatiijiyad uu kaga kahor tagaayo dagaal dhex mara Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

0
33

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Istaraatiijiyad cusub oo amniga qaranka ah oo uu soo saaray maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegaysa in Maraykanku uu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Ereteriya, isaga oo kaashanaya Afrika.

Ilaa 33 bog oo uu dukumintigan ka kooban yahay ayaa xoogga saaraya mabda’a maamulka Trump ee America First ”Ameerikaa u horreysa”, iyada oo loogu talogalay in la abuuro faham wadajir ah oo ku saabsan waxa Maraykanku uu rabo, waddooyinka loo marayo in la gaaro iyo sida natiijooyinka hab raacyadu u waafaqsan yihiin istaraatiijiyadda amniga qaranka.

Waxa uu dukumintigu muujinayaa isku-duwidda cusub ee maamulka Trump marka loo eego kuwii hore oo lagu dhaleeceeyay xiriirka Maraykanka iyo Afrika ee ku saabsan gargaarka, isla markaana sharraxaya beddelitaanka loogu guurayo mid ganacsi iyo maalgashi.

Maraykanka ayaa sheegay in xasiloonidu muhiim u tahay iskaashiga uu la leeyahay Afrika, isla markaana uu ka shaqayn doono xallinta dagaalka iyo khilaafaadka suuragalka ah inay ka dhacaan qaaradda.

Tusaale ahaan, dagaalka sokeeye ee Suudaan ayaa muujinaya in wada-hadallo ay socdaan iyo xalka khilaafka colaadda u dhaxaysa Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo iyo Rwanda.

Madaxweyneyaasha Rwanda iyo DR Congo Paul Kagame iyo Felix Tshisekedi ayaa ku saxiixay Washington heshiis 4-tii December ee asbuucii aynu soo dhaafnay, iyada oo uu Madaxweyne Trump uu dhexdhexaadinayay.

”Waa maalin ku weyn Afrika iyo caalamka. Labada dalba wax badan ayay u dabaaldegayaan,” ayuu yiri Trump isaga oo intaa ku daray in Maraykanku uu heshiisyo la saxiixday labada dal kuwaas oo ”furaya albaabbo cusub” oo isticmaalka macdanta muhiimka ah.

Maraykanka ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo uu kula shaqaynayo dowladaha ka midka ah dalalka afarta ee kamid ah dalalka la isku yiraahdo Quad, si xal loogu helo colaadaha Suudaan. Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa booqday Washington bilowgii bishan, isaga oo ka codsaday Trump inuu wax ka qabto khilaafka dhinacyada Suudaan.

Dukumintiga istaraatiijiyadda cusub ee amniga Maraykanka ayaa intaa ku daraya inuu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal dhex mara Ereteriya iyo Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ergayga sare ee Madaxweyne Trump ee arrimaha Afrika Massad Boulus ayaa kula kulmay Addis Ababa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Qaahira oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Osman Saalax.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here