Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Garoonka caalamiga ah ee Hargaysa ee Cigaal ayaa asbuucii hela 65 duulimaad, 24 ah ka mid ah waa Muqdisho iyo Hargaysa.
Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in ay joojisay duulimaadyada Muqdisho iyo Hargaysa balse ma dhaqan galin. Saraakiisha garoonka ayaa sheegay in duulimaadyada Hargaysa iyo Muqdisho ay gaareen heerkii ugu saraysay taariikhda.
Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo ah duulimaad caalami ah iyo kuwa gadaha ayuu u adeegaa Garoonka Hargaysa oo muhiim u ah ganacsiga iyo socdaalka Somaliland iyo Caalamka.






