Isniin 15, Dec 2025 {HMC} Dhowr bulsho oo Muslim ah oo ku sugan dalka Australia ayaa soo saaray cambaareyn ku aaddan weerarkii Bondi.
Golaha Qaran ee Imaamyada Australia, oo ah hay’ad matasha imaamyada iyo Muslimiinta dalka, ayaa war-saxaafadeed sheegay sidatan “Iyadoo weerarkani uu beegsaday bulshada Yuhuudda, haddana dhab ahaantii waa weerar lagu soo qaaday dhammaanteen, oo ay ku jirto bulshada Muslimiinta. Ficilkan argagixiso ee rabshadaha wata wuxuu ka dhigan yahay weerar lagu soo qaaday dhammaan dadka reer Australia.”
“Naceybka Yuhuudda, oo lagu muujiyo nacayb, dhibaateyn, iyo rabshado loo geysto bulshada Yuhuudda, kuma haboona bulshadeena,” ayaa lagu yiri bayaanka muslimiinta.
“Waxaan ku boorinaynaa bulshada iyo wakiillada inay la xiriiraan deriskooda, saaxiibadooda, iyo asxaabtooda Yuhuudda si ay u fidiyaan taageero inta lagu jiro xilligan adag.”
Isbahaysiga Muslimiinta Australia, oo ka kooban ururada Muslimiinta ee dalka oo dhan, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in “kuwa mas’uulka ka ah waa in si buuxda loola xisaabtamaa lana mariyaa awoodda sharciga oo dhan”.



