Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Kahadshay hadallada naceybka Ee Madaxweyne Donald Trump .

0
19

Isiin December 15, 2025 {HMC}Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka, ayaa mar kale ka hadashay hadallada naceybka leh ee maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ay sheegtay in ay si gaar ah u saameeyeen Soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo wareysi gaar ah siisay telefishinka CBS ayaa sheegtay in Soomaalida Mareykanka ay yihiin muwaadiniin canshuur-bixiyeyaal ah oo aan marna lagu xad gudbi karin.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa ka hadashay howlgallada ay maalmihii la soo dhaafay wadeen ciidamada Mareykanka, gaar ahaan laanta socdaalka, ee ka socda gobolka Minnesota, iyadoo tilmaamtay in lagu beegsanayo bulsho gaar ah.

Markii wax laga weydiiyay eedeymaha sheegaya in lacagaha ay Soomaalida Mareykanka u diraan gudaha Soomaaliya ay gaari karaan AS, ayay tilmaamtay in eedaasi u baahan tahay hubin.

“Soomaalida iyagaa la dhiban weerarada AS oo markasta qoysaskooda la beegsada, marka Dowladda Mareykanka iyadaa laga rabaa in ay baarto halka Soomaalida Minnesota ku taageeraan Kooxdaasi” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Iyadoo hadalkeeda sii waday, Ilhaan Cumar ayaa xustay in mid ka mid ah carruurteeda uu la kulmay howlgallada ay wadaan ciidamada ammaanka gobolka

“Wiil yar oo aan dhalay oo u socda Masjidka ayay bartilmaameydsadeen ciidanka Mareykanka, isagoo wata Baasaboorkiisa, markuu tusayna waa la sii daayay” ayay tiri Ilhaan Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here