Soomaaliya oo lagu afduubtay Markab shidaal oo laga leeyahay Pakistan.

0
9

Jimco 24 april 2026 {HMC} Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab shidaal meel u dhow Gacanka Cadan, iyagoo afduubtay shaqaalihii saarnaa.

Waxaa walaac laga muujiyay badqabka muwaadiniinta reer Pakistan ee saarnaa markabkaas.

Xogtan waxaa qoraya dhowr wargeys oo ka soo baxa gudaha Pakistaan.

Wargeyska Daily Pakistan ayaa qoraya in Markabka ay saarnaayeen 11 qof oo shaqaale ah oo u dhashay Pakistaan, kuwaas oo weli gacanta ugu jira burcadka, sida uu wargeysku qoray.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, markabka oo lagu magacaabo Owner 25 ayaa la weeraray oo ay qabsadeen burcad badeeddu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here