Faah Faahin 10 Wariye oo ku dhimatay Shil dhacay.

0
45

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Shil gaari oo aad u murugo badan oo ka dhacay Gobolka Gwombe ee dalka Nigeria ayaa sababay dhimashada toddoba wariye.

Shilka ayaa dhacay xilli gaari bas ah oo ay leeyihiin Ururka Wariyeyaasha Nigeria ee (NUJ) oo ku sii jeeday arooska xubin ka tirsan ururka, oo ka dhacayay Degmada Kaltungo ee isla gobolkaas.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in taayir ka mid ah baska uu ku qarxay deegaanka Kumo ee Degmada Akko, taas oo keentay in baska uu ka baxo waddada kuna rogmado bar bannaan ah.

Taliyaha Ciidanka Badbaadada Waddooyinka Federaalka (FRSC) ee Gobolka Gwombe, Samson Kaura, iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Dowladda Gobolka Gwombe, Ismaila Misilli, ayaa sheegay in toddoba wariye ay ku dhinteen shilka, halka afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Meydadka dadkii dhintay ayaa loo qaaday goob meydadka la dhigo ee Gwombe, halka kuwa dhaawacmayna ay hadda ku jiraan isbitaalka iyagoo helaya daaweyn.

Wariyeyaasha ku dhintay masiibadan waxaa ka mid ah: Madaxii Shaqaalaha iyo Kaaliyaha Gaarka ah ee ee guddoomiyaha, kana tirsanaa Xafiiska Marwada Guddoomiyaha, Zara Umar; Agaasimaha Hawlgallada ee NTA, Haruna Kwami; Agaasimiihii Sawir-qaadista ee NTA, Isa Lawan; iyo Agaasimihii waraiyaasha hawlgabka ahaa, Musa Tabra.

Guddoomiyaha Gobolka Gwombe, Inuwa Yahaya, ayaa diray farriin tacsi ah oo uu ugu diray qoysaska dadkii geeriyooday, wuxuuna u rajeeyay kuwa dhaawacmay caafimaad degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here