khamiis 1, January 2026 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in uusan jirin gobol ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaatay xornimo, isla markaana dhammaan gobolladu ay ka mid yihiin hal dal oo mideysan.
“Qayb ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaadatay xornimo ma jirto. Gobol walba iskiis ayuu ahaa, balse dhammaantood waxay ku mideysan yihiin Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa si cad u adkeeyay in Puntland marnaba aqbali doonin kala qeybinta dhulka Soomaaliyeed.
Hadalkan ka soo baxay Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan falcelinno ka imaanaya dowladda federaalka iyo beesha caalamka, kuwaas oo intooda badan diidan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.



