Boqortooyada Sacuudiga ayaa markale Kubaaqaday in ay garab taagantahy Midnimada Soomaaliya

0
21

Isniin 5, Jan 2026 {HMC}  Sacuudi Carabiya ayaa markale Soomaaliya ku garab istaagtay difaacashada midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed iyada oo cambaaraysay dhibaatooyinka khatarta dalka gelin kara ee loo maleegayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho ku tagay Sacuudiga lana kulmay dhiggiisa Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdullaahi Al-Sacuud.

Xukuumadda Riyadh ayaa dhiggeeda Muqdisho u ballanqaadday in ay ka taagaarayso Amniga, ilaalinta midnimada iyo kahortagga tallaabo weliba oo khatar ku ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay hadalka u dhigtay.

Sacuudiga waxaa uu safka hore kasoo galay dalal badan oo ka dhiidhiyay damaca gurracan ee Israa’iil ku doonayso in ay ku kala goyso Soomaaliya, kaddib markii ay Aqoonsatay Maamulka Somaliland iyada oo Dowlado badan ay ka dhiidhiyeen arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here