Madaxweynaha Soomaaliya oo Cadeeyay Sababta Dalka looga Ceeriyay Dowladda Imaaraadka.

0
20

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee Shalay Shacabka Soomaaliyeed u jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaalada guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka oo ay ugu horreyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Imaaraadka Carabta, isagoona bogaadiyay go’aankii Golaha Wasiirada ee lagu buriyay dhamaan heshiisyadii iskaashiga dhinacyada kala duwan lahaa ee lagu la jiray dowladda Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la laheyd Imaaraadka Carabta, ha yeeshee uu xiriirkaasi si togan uga socday dhanka Soomaaliya oo keliya, isagoona Abu Dhabi ku eedeeyay inaysan Soomaaliya ula dhaqmin, sidii madaxbannaan oo kale.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Imaaraadka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan, oo dhankeenna aan u galnay si niyad samaan ah oo qalbi furnaan ah, nasiib darro Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta noo lama dhaqmin, sidii dowlad mid ah oo madaxbannaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in ay marar badan Imaaraadka Carabta ka dalbadeen iney Soomaaliya ula macaamisho hal dal oo madaxbannaan, islamarkaana ay joojiyaan fara gelinta qaawan oo ay dalka ku hayaan, hayeshee dalabaadkaasi ay Imaaraadka Carabta dhagaha ka fureysteen, taasna ay kenetay in Soomaaliya joojiso dhamaan heshiisyadii kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.

“Marar badan ayaan ka dalbanay Dowladda Imaaraadka in ay noo la macaamilaan in aan nahay hal dal oo madaxbannaan masuul ah, ayna joojiyaan habka doc faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo gelayeen dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka war hayn Dowladda Federaalka Somaliya, kana dhex fuliya Somaliya gudaheeda, kuwaas oo xadgudubna ku ahaa haybadda iyo qaranimada dalkeenna.” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u cadeeyay shacabka Soomaaliyeed in go’aanka dowladda loola jeedin in dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, wuxuuna balanqaaday in dowladdiisu ay xil weyn iska saari doonto wax kasta oo taabanaya nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaan u caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto. Sidaa daraadeed dowladdu waxay masuuliyad weyn iska saareysaa in wax kasta oo taabanaya nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso oo weliba ay horumarineyso. Waxaan masuuliyad buuxda iska saari doonnaa, sidii dadku u dareemi lahaayeen xorriyad, madaxbannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyagoo kalsooni buuxda ku qaba dalkooda qaniga ah iyo dowladdooda daacadda ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya inay garab istaagaan dadaalada dowladda ee ku aaddan difaaca madax banaanida dalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dhisto dowlad ku shaqeysa sharci, midnimo iyo go’aan qaran oo madaxbanaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here