Khamiis 23 april 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhiggiisa Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, u sheegay in dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan “uu bilaabay inuu wiiqo Yurub”
Erdogan ayaa yiri: “Dagaalkii ka socday gobolkeenna ayaa sidoo kale bilaabay inuu daciifiyo Yurub, haddii aan xaaladdan wax looga qaban qaab nabadeed, waxyeelada ka dhalatay khilaafkan ayaa aad uga sii dari doonta tan hadda taagan”, ayuu yiri Erdogan.
Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga oo ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP, Erdogan ayaa hadalladan ku yiri wadahadal taleefan oo uu la yeeshay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier Arbacadii.



