Mareykanka oo boqolaal askari oo ka tirsan ciidamadiisa ka Daad gureynaayo saldhigga cirka ee dalka Qatar.

0
24

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} Mareykanka ayaa bilaabay habraaca daadgureynta boqolaal askari oo ka tirsan ciidamadiisa kuna sugan saldhigga cirka ee Al Udeid ee dalka Qatar,

Saldhigga Ciidaanka cirka ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe, iyadoo go’aankan lagu sheegay inuu ka horreeyo suuragalnimada tallaabo militari oo uu amray Trump oo ka dhan ah Iiraan.

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo arrinta xog-ogaal u ah oo la hadlay NBC News, askarta ku sugan saldhigga ayaa loo rarayaa xarumo kale iyo hoteello ku yaalla gobolka, si looga fogeeyo khatar kasta oo iman karta haddii weerar uu kiciyo jawaab-celin militari oo ka timaadda Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here