Xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka oo Banaanka Keenay Sababta ku qasabtay Mareykanka in uu weeraro Iiraan

0
45

Isniin 9 March 2026 {HMC} Xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo ka hadlay dagaalka Iiraan ayaa sheegay inay Israa’iil mar kasta doonaysay Mareykanka inuu weerarro Iiraan, wuxuu yiri ; “Xilligii maamulka Obama, Israa’iiliyiintu waxay cadaadis saarayaan Obama si uu tallaabo milatari uga qaado Iiraan, waxayna uga digayeen in haddii uusan isagu weerarin, ay iyagu kaligood tallaabo milatari qaadi doonaan.”

Hadalkan,waxaa ka horreyay sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA-da, John Kiriakou oo dhawaan shaaca ka qaaday in madaxweyne kasta oo Mareykan ah ay Israa’iil ku cadaadiso inuu weerarro Iiraan.

Wuxuu sheegay in sababta Trump uu hadda u go’aansaday inuu duqeeyo Iiraan ay ahayd in Israa’iil ay Mareykanka u hanjabtay, iyagoo leh: “Haddii aadan idinku duqeyn Iiraan, annaga ayaa adeegsan doona hub nukliyeer ah.”

Balse dagaal dheer oo lala galo Iiraan, waxaa ka digay

Anthony Blinken, oo sheegay inan la saadaalin karin guul dhammeystiran oo dagaalka laga gaari karo,sida uu dagaalkan ku dhammaan karana wuxuu ku soo koobay labo qodob; suuqyada iyo hubka.

Haddii uu dhaqaalaha Mareykanka iyo midka caalamka daato, oo hoos u dhac dhaqaale iyo koror uu ku yimaado qiimaha shidaalka, markaa Trump wuxuu sheegay inuu fahmayo oo cadaadiska arrimahan ka dhalanaya uu keenayo dagaalka in si dhaqso ah looga baxo, waxa kale ee dagaalkan joojin kara wuxu sheegay inay tahay dagaalkan inay ka dhalato hubka Mareykanka inuu ka dhammaado kaydka gaar ahaan gantaallada difaaca iyo bambooyinka culus oo uu ku sheegay inay waqti qaadan karto dib in loo helo, mar kasta oo kaydka hubka dhammaanayana wuxuu ku sheegay inay tahay xilligaa uu Trump joojin karo dagaalkan.

Blinken, oo lagu waydiiyay barnaamijka Big Take podcast oo hadalladan uu ka sheegay in hadda Trump uu joogo meel uu dagaalka uga bixi karo, isagoo guul sheeganaya, wuxuu yiri ; “ Dabcan wuxuu oran karaa waxaan dilnay hoggaamiyihii sare, ciidanka badda ayaan meesha ka saarnay iyo awoodda gantaallada iyo nukliyeerka in hoos loo dhigay, si la mid ah sida uu uga baxay dagaalkii bishii June…dhinaca Iiraan waxaa iyagana guul u ah inaysan dhicin isbeddel nidaam.”

Intaa oo jirta Netanyahu ayaa xalay soo baxay isagoo leh; “ Waxyaabo la yaab leh oo kadis ah ayaan dhawaan ka soo bandhigi doonaa dhinaca Iiraan.”

Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa isagana farriin hanjabaad ah soo gudbiyay iyagoo yiri ; “ Marka maraakiibta ay usoo dhaqaaqaan biyaha ku dhow Iiraan, diyaaradaha B-2 ay horey u qaadaan bambooyin culus , taasii waad garanaysaan natiijada soo socota.”

Waxaa xigtay in warbaahinta Mareykanka ka soo baxday ee Axios inay maanta werisey ; Mareykanka iyo Israa’iil inay ka tashanayaan suragalnimada lagu qabsan karo marinada muhiimka ah ee Iiraan ay u adeegsato dhoofinta shidaalka, xilli duqeymo culus lagu garaacay xarumaha kaydka shidaalka iyo goobo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan.

Marka la tixraaco weerarrada xalay ka dhacay gudaha Iiraana, waxay muujiyeen wajiga cusub ee dagaalka iyo in xaalad kasta ay dagaalkan suragaltahay, wallow Trump uu sheegay inuu guul deg deg leh dagaalkan ka doonayo, taasoo ku dhici karta inay in sare loo qaado awoodda weerar, xilli uu xataa soo bandhigay sida uu u danaynayo haddii la fulin karo howlgallo dhulka ah oo lagu gaari karo ujeedka dagaalka.

Marka laga soo tago hanjabaadaha Trump iyo doonista Netanyahu ee dagaalkan inuu daba dhaaraado illaa nidaamka Iiraan meesha laga saaro , sidoo kalena dalalka khaliijka ay wajahaan xaalad dhaqaale oo hamigooda dib u dhigi karta, waxaa muhiim ah inaan fahano xisaabaha juqraafi-siyaasadeed (geopolitics), dagaallada laguma akhriyo oo keliya xuduudahooda juqraafiyeed.

Haddii Iiraan si sahlan loo jebiyo, taasi ma noqon doonto khasaare ku kooban Tehran oo keliya, balse waxay Trump ku dhiirrigelin kartaa inuu tijaabiyo goobo kale.

Waxaa suurtagal ah in Cuba ay ka mid noqoto meelahaas, taas oo Ruushka u ah khad cas taariikhi ah.
Sidaas darteed, danta Moscow waxay ku jirtaa inaysan u oggolaan Iiraan inay si fudud u dhacdo, iyada oo aan loo eegin nooca heshiisyada istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Shiinaha iyo Ruushka waxay si fiican u fahamsan yihiin in haddii Iiraan lagu jebiyo dagaalkan, arrintu aysan ku ekaan doonin guuldarro soo gaarta Iiraan oo keliya. Waxay ka dhigan tahay in miisaankii awoodda ee Aasiya iyo Bariga Dhexe uu is beddeli doono.

Taasi waa sababta ay labada dal uga fiirsanayaan waxa dhacaya. Haddii Tehran si fudud u dhacdo, waxay saameyn ku yeelan kartaa danaha Ruushka iyo Shiinaha ee gobolka, sidoo kalena waxay beddeli kartaa qaabka siyaasadda iyo awoodda ee dunida.

Sidaa darteed, aragtidayda waxaan aaminsanahay in Moscow iyo Beijing aysan rabin in Iiraan si fudud looga adkaado, sababtoo ah arrintaas waxay u arkaan khasaare istaraatiiji ah oo iyaguna saameyn ku yeelan kara.

Marka la eego xisaabaha waaweyn ee Shiinaha, haddii Mareykanku ku mashquulo ama ku daalo dagaal ka dhaca Iiraan, arrintaas waxay noqon kartaa fursad beddeli karta miisaanka awoodda ee dunida.

Haddii Washington halkaas ku daciifto, waxay u sahli kartaa Shiinaha inuu si degdeg ah u kordhiyo saameyntiisa caalamka. Laakin haddii Iiraan , njdaamkeeda la beddelo waxaa meesha ka baxaya saameynta Shiinaha iyo xataa iskudarkooda Ruushka iyo Shiinaha waxay luminayaan kalsoonida caalamka, oo loo arkayo kuwa aan awoodin inay xulafadooda difaacaan, sidoo kalena aan joojin boos ay kula tartamaan Mareykanka.

Waxaa jirta arrin ku gaar ah Shiinaha , waa in Beijing ay hesho 80% shidaalka Iiraan, haddii Mareykanka la wareegto , taasii waxay Shiinaha galisanaysa go’doon dhaqaale iyo mid istaraatiji ah.

Sidaas darteed, danaha dhaqaale ee Shiinaha ku leeyahay Iiraan kaliya markaa loo fiirsado waxaa loo arkaa arrin yar marka loo eego himilooyinka istaraatiijiga ah ee waaweyn ee Beijing ay ku wayn karto haddii nidaamka Iiraan meesha laga saaro.
Waxaan idin kaga tagay fikradiina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here