Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iraan iyo Mareykanka iyo israa’iil.

0
11

Isniin 9 March 2026 {HMC}  Dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo israa’iil oo siku dhinac ah iyo Iraan ayaa wali socda, waxaa uuna saameyn ku yeeshay guud ahaan gobolka.

Ciidamada Difaaca Israel Defense Forces (IDF) ayaa soo saaray warbixin ku saabsan howlgalladooda, hal toddobaad kadib markii ay bilaabeen weerarro wadajir ah oo ay la fuliyeen United States oo ka dhan ah Iran.

Afhayeenka IDF, Effie Defrin, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay fuliyeen qiyaastii 3,400 weerar isla markaana ay naafeyeen in ka badan 150 nidaam oo difaac oo Iran leedahay.

Dhanka kale Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay in askari toddobaad oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku dhinteen dagaalka dalkaasi la galay Iran.

Tirada Mareykanka uga dhimatay dagaalka ilaa hadda waa 7 askari.

Geeska kale wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay qabatay oo burburisay gantaal ballistic ah oo lagu tuuray Saldhigga Diyaaradaha Prince Sultan.

Saldhiggan milatari wuxuu ku yaalaa Al Kharj, 101 km koonfur-bari kaga beegan caasimadda Riyadh.

Hore, wasaaraddu waxay ku sheegtay bartaX inay joojisay laba weerar oo drone ah kadib markii ay ka toogteen woqooyi ee magaalada Riyadh.

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka ayaa dhankeeda sheegtay in nidaamyada difaaca hawada ay burburiyeen 16 gantaal ballistic ah isla markaana joojiyeen 113 diyaaradood oo drone ah Axaddii, kuwaas oo ka yimid Iran.

Bayaan ay wasaaraddu ku daabacday baraha X ayaa lagu sheegay in la ogaaday 17 gantaal ballistic ah, balse 16 ka mid ah la burburiyay, halka hal gantaal uu ku dhacay badda. Sidoo kale waxaa la sheegay in la ogaaday 117 drone, kuwaas oo 113 ka mid ah la qabtay, halka 4 drone ay ku dhaceen dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here