Talaado 10 March 2026 {HMC} Safaaradda Maraykanka ee magaalada Abuja ayaa ku wargelisay muwaadiniinta dalkaasi in ay jirto suurtagalnimo khatar argagixiso oo ka dhan ah xarumaha Maraykanka iyo dugsiyada xidhiidhka la leh ee ku yaalla Nigeria.
Safaaraddu waxay ku talisay in muwaadiniinta Maraykanku ay yeeshaan taxaddar dheeraad ah marka ay u safrayaan safaaradda Maraykanka ee Abuja iyo sidoo kale Qunsuliyadda Guud ee magaalada Lagos iyo dugsiyada xidhiidhka la leh Maraykanka. Waxa lagu booriyay in ay beddelaan waqtiyada iyo waddooyinka ay isticmaalaan marka ay socdaalayaan.
Sidoo kale waxaa lagu dhiirrigeliyay dadka inay kordhiyaan feejignaantooda ku aaddan deegaanka ku hareeraysan, in ay ka fogaadaan jadwal nololeed oo si fudud loo saadaalin karo, islamarkaana ay dib u eegaan tallaabooyinka guud ee ammaanka iyaga iyo qoysaskooda si loo yareeyo khatarta.



