Guddoomiyaha Muungaab oo ku dhawaaqay in lagu horumarinayo waxbarashada Gobolka Banaadir.

0
19

Axad 15 March 2026 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka Banaadir uu bixin doono $288,000 si loogu horumariyo adeegyada waxbarashada isla markaana loo dhiso dugsiyo cusub.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in lacagtaan la siin doono dugsiyada sanad dugsiyeedkiiba, isla markaana sannad walba la kordhin doono si ay ula jaanqaado qorshayaasha lagu dhisayo dugsiyo waaweyn oo cusub. Waxa uu sidoo kale waalidiinta ugu baaqay inay ubadkooda u diraan dugsiyada si loola dagaallamo jahliga.

“Waxaa aan dhawaan saxiixay lacag ku dhaw sedex boqol kun oo doolar, oo loogu talagalay horumarinta Dugsiyadda Waxbarashada Gobolka Banaadir sanad dugsiyeed kiiba, taasi oo aan sii kordhin doonno, iyadoona ay bar-bar socoto qorshooyin dhawaan lagu dhisi doonno Dugsiyo waaweyn” ayuu yiri Duqa Caasimadda Muqdisho, oo waalidiinta ugu baaqay in ubadka loo diro Dugsiyadda waxbarashda si loola dagaalamo jahliga.

Intaa waxaa dheer, Muungaab ayaa tilmaamay in horumarinta adeegyada waxbarashada ay tahay mid mudnaan u ah Maamulka Gobolka Banaadir, si waalidiinta canshuur bixiyeyaashu ay caruurtooda u helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Guddoomiyaha mar uu maanta booqday xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ka dib markii dib-u-dhis balaaran lagu sameeyay, isagoo warbixin ka dhageystay howlwadeenada kala duwan ee agaasinka ka shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here