Somaliland oo war kasoosartay diidmada DFS ee safiirka ay Israa’iil usoo magacowday

0
12

Khamiis 16 april 2026 {HMC}  Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay Israa’iil, isla markaana ay kaga soo horjeedsatay safiirka cusub ee Israa’iil u magacowday Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in ay si buuxda u diidan tahay eedeymaha ay Soomaaliya soo jeedisay, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo aan sal sharci lahayn, taariikh ahaan khaldan, isla markaana aan ku dhisnayn xaqiiqooyin dhab ah.

Somaliland waxay ku adkaysatay in ay tahay dal madax-bannaan oo helay xornimadiisa 26-kii June 1960, isla markaana ay aqoonsadeen dalal badan xilligaas. Waxay sidoo kale sheegtay in madax-bannaanideedu aanay ka iman ama ku xidhnayn Muqdisho.

Somaliland ayaa intaas ku dartay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aanay sharci ahaan u lahayn inay farageliso ama ka hadasho xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay dalalka kale, islamarkaana arrimahaas ay ka mid yihiin xuquuqaha dowladnimo ee u gaarka ah Somaliland.

Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in doodda ku saabsan “midnimada dhuleed” ee Soomaaliya ay tahay mid marin-habaabin ah, iyadoo xustay in midowgii 1960 aanu lahayn sal sharci oo adag, isla markaana Somaliland ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991, tan iyo markaasna ay si buuxda uga talinaysay xuduudaheeda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in Somaliland ay dhistay hay’ado dimuqraadi ah, qabatay doorashooyin la isku halayn karo, ilaalisay nabadgelyada gudaha, isla markaana ay door muuqda ka qaadatay la dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda, iyo sugidda marin-biyoodyada muhiimka ah.

Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in Soomaaliya weli si weyn ugu tiirsan tahay taageero amni oo dibadeed, taas oo su’aal gelinaysa xasilloonideeda mustaqbalka, halka Somaliland ay isu muujisay lammaane isku filan oo caalami ah.

Gabagabadii, Somaliland waxay sheegtay inay ka go’an tahay wada noolaanshaha nabadda, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah, balse ay madax-bannaanideedu tahay mid aan gorgortan geli karin, isla markaana ay si madax-bannaan u go’aansato xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed.

War-saxaafadeedkan ayaa imanaya kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shalay cambaareysay danjire buuxa oo ay Israa’iil u magacowday Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here