Ruushka oo weerar kuqaaday Ukraine .

0
17

Khamiis 16 april 2026 {HMC} Ruushka ayaa ku Ukraine qaaday mowjado weerarro ah oo isugu jiray diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ka dhan ah, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof iyo dhaawaca ugu yaraan 90 kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Wiil 12 jir ah ayaa ka mid ahaa afar qof oo ku dhintay caasimadda Kyiv, halka saddex kale lagu dilay magaalada Dnipro ee koonfur-bari dalkaas.

Dhanka xadka Ruushka, laba carruur ah oo da’doodu ahayd 5 iyo 14 sano ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Ukraine ka fulisay gobolka Krasnodar Krai ee Ruushka, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Veniamin Kondratyev oo Telegram ku baahiyay qoraal.

Weerarradan ayaa yimid kadib xabbad-joojin kooban oo socotay inta lagu jiray dabaaldegga Ciidda Orthodox Easter, taas oo labada dhinac ay mid walba ku eedeeyeen kan kale inuu ku xadgudbay boqolaal jeer.Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in marka laga reebo dhimashada caasimadda, mas’uuliyiintu ay ka soo badbaadiyeen hooyo iyo ilmo burburka dhisme 16 dabaq ah oo ku dumay degmada Podilsky ee Kyiv.

Waqooyiga Kyiv, afar shaqaale caafimaad oo ka tirsan kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay duqeymo isdaba joog ah.

Weerarka magaalada Dnipro waxaa lagu dilay saddex qof, halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Oleksandr Ganzha oo ah madaxa maamulka gobolka. Sawirro la faafiyay ayaa muujiyay dhismayaal gubanaya magaalada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here