Xisbullah oo diiday in ay hubka dhigto.

0
6

Sabti April 18, 2026 {HMC}.  Wareysi gaar ah oo uu ku siiyay Bayruut, madaxa sare ee Xisbullah Wafiq Safa waxa uu si cad ugu sheegay in ururka uusan waligiis ka tanaasuli doono hubkiisa, kadib dalabaad ka yimid Israel, Mareykanka iyo Lubnaan lafteeda.

“Weligay Marnaba, Marba” ayuu yiri.

“Ma jirto cid hubka ka dhigi karta Xisbullah,” ayuu intaa raaciyay. “Qofna ma samayn karo.”

Safa ayaa intaa ku daray in aysan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan hubka kooxda “ilaa xabad joojin sax ah laga gaaro, mid dhab ah, ma dhacayso ilaa Israel ka baxdo dhulkeena, soo celiso maxaabiista, soo celinta dadka barokacay iyo in ay dib u dhisto goobaha ay burburisay”.

Waxa uu meesha ka saaray soo jeedinta ah in Xisbullah lagu wiiqay dagaalkii ugu dambeeyay, isagoo taa beddelkeeda ku dooday in Israa’iil ay ku fashilantay ujeeddooyinkeeda milateri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here