Shacabka Kashmiir ayaa billaabay olole ay ku muujinayaan dareenkooda walaaltinimo Iiraan.

0
12

Khamiis 16 april 2026 {HMC}  Shacabka ku nool gobolka Kashmir, ee ay ku loolamaan waddamada Hindiya iyo Pakistan, ayaa billaabay olole ay ku muujinayaan dareenkooda walaaltinimo, iyagoo hantidooda qaaliga ah u huraya shacabka dalka Iiraan.

Dadkan oo si iskiis ah isku xilqaamay, ayaa ururiyay deeqo isugu jira lacag caddaan ah iyo dahab, si ay garab ugu noqdaan dadka reer Iiraan oo ay u arkaan inay wajahayaan dhibaatooyin ka dhashay xiisadaha dagaal ee kala dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil.

Ololahan gargaarka ah ayaa billaawday xilli dunida Islaamku ay u dabbaaldegaysay munaasabadda Ciidul Fidriga, Dad badan oo reer Kashmir ah ayaa go’aansaday inay huraan farxaddii iyo kharashkii ku bixi lahaa dabaaldegooda, iyagoo doortay inay caawiyaan walaalahooda ay kala fog tahay masaafo ka badan 1,600 oo kiiloomitir.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in xiriirka ka dhexeeya labada shacab uusan ahayn mid ku kooban juquraafi kaliya, balse uu yahay mid ka dhashay jacayl iyo diin.

Xiriirka ka dhexeeya Kashmir iyo Iiraan waa mid qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya in ka badan lix qarni.

Waxay wadaagaan dhinacyada diinta, farshaxanka, iyo dhaqanka, taas oo keentay in Kashmir loo yaqaanno Iraanta Yar.

Dadka reer Kashmir waxay u arkaan Iiraan inay tahay halka uu ka soo askumay hiddahooda iyo aqoontooda badankeeda, taas oo xoojisay dareenka gurmadka ee hadda socda.

Si kastaba ha ahaatee, ololahan lacag ururinta ah ayaa dhaliyay dareen siyaasadeed, iyadoo dowladda Hindiya ay walaac ka muujisay dhaqdhaqaaqyadan.

Iyadoo ay jirto is-mari-waaga u dhexeeya dowladda Hindiya iyo qaar kamid ah shacabka gobolka, haddana dadka deegaanku waxay u muuqdaan kuwo ka go’an inay fariintooda garab-istaagga ah gaarsiiyaan dalka ay u arkaan saaxiibka faca-weyn ee Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here