Isku dhaxyaaca Trump iyo Guusha IIraan halkan ka Aqriso.

0
73

Jimco April 17, 2026 {HMC} Trump oo sheegay in Iran ay Miinooyiinka ka saarayso Hurmuz  Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ka saari doonto miinooyinka ku jira marinka Hormuz iyadoo ay caawinayaan Maraykanka.

Iiraan ayaa marinka galisay miinooyiin badan si ay maraakiibta uga horistaagan inay maraan.

Marinkan waxaa mara 20% ka mid ah maraakiibta gaar ahaan kuwa qaada Shidaalka

Trump: Go’doominta Maraykanka ee dekedaha Iran way sii jiri doontaa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray:“Marinka Hormuz waa si buuxda u furan oo diyaar u ah ganacsi.”

Wuxuu intaas ku daray:“BALSE xannibaadda badda waxay si buuxda u sii ahaan doontaa mid shaqaynaysa oo lagu dabaqi doono Iran oo keliya, ilaa waqtiga heshiiskeenna Iran uu 100% u dhammaado.

“Hannaankan waa inuu si degdeg ah u socdaa maadaama inta badan qodobbada horey loo wada heshiiyey. Mahadsanidiin feejignaantiina arrintan! Madaxweynaha Donald J. Trump.”

Trump oo u mahadceliyay dowladda Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa Truth Social uu si buuxda u furan yahay oo diyaar u yahay in si buuxda loo maro. Mahadsanidiin!”

Trump ayaa marinka Hormuz u bixiyay marinka Iiraan, ka dib marar kala duwan oo uu sheegay in Hormuz loo bixin doono marinka Trump, wuxuuna ku dhawaaqay inuu hadda marin-biyoodkaa si rasmi ah u furan yahay.

Wuxuu yiri; “Iiraan hadda waxay ku dhawaaqday in Marinka Iiraan uu si buuxda u furan yahay, islamarkaana diyaar u yahay in si caadi ah loo maro. Waad mahadsan tihiin!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here