WAR DEG DEG AH: Qiimaha Shidaalka caalamka oo aad hoos ugu soo dhacay

0
145

Jimco April 17, 2026 {HMC} Qiimaha Shidaalka cayriin ayaa si weyn hoos ugu dhacay, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Iran uu sheegay in marinka Hormuz uu si buuxda u furnaan doono maraakiibta ganacsiga inta ka harsan muddada xabbad-joojinta.

Kadib ku dhawaaqistaas, qiimaha foosto saliidda Brent crude ayaa hoos uga dhacay $90, isagoo hore uga badnaa $98 isla maalintaas.

Sidoo kale, NYMEX light sweet crude, oo ah halbeegga Shidaalka ee Maraykanka, ayaa isna si weyn hoos ugu dhacay.

Ka hor khilaafka, Shidaalka nooca Brent wuxuu wax yar ka hooseeya $70 foosto. Wuxuu kor u dhaafay $100 horraantii bisha Maarso, wuxuuna gaaray heerkii ugu sarreeyay ee ka badan $119 dabayaaqadii isla bishaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here